Guddoomiyaha Golaha Dhexe ama Golaha Xeer Dajinta SSC-Khaatumo oo la doortay

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ama Golaha Xeer Dajinta SSC-Khaatumo oo la doortay

Waxaa maanta la doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ama Golaha Xeer Dajinta SSC-Khaatumo oo aad loo sugayey, diyaarna loo ahaa, si dareen lehna loo sood

Turaanturada Donald Trump, Salaantiisa Maqiiqan iyo Walaaca Angela Merkel
Gubadle, Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland: “Muuse Bixiyoow Laascaanood baa inoo ballan ah” (dhegayso+daawo)
Cabdulqaadir Siciid Carshe Dhaqaaje: Wasiir aan Guri Cusub loo Goglayn!

Waxaa maanta la doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ama Golaha Xeer Dajinta SSC-Khaatumo oo aad loo sugayey, diyaarna loo ahaa, si dareen lehna loo soodhoweeyey. Doorashada Guddoomiyaha Golaha Dhexe ayaa bilow u ah doorashada hoggaanka SSC-Khaatumo.

Jaamac Yaasin Warsame waa ninka loo doortay hoggaanka Golaha Dhexe ee SSC. Waa nin aad looga yaqaan degaanka, waxa uuna muddo ahaa macalin iyo maamule machadyo dhawra, sidoo kale waxa inta badan lagu bartay hawlaha samafalka. Jaamac Yaasiin waxaa u codeeyey 25 xubnood, halka ay 20 xubnoodna u codeeyeen Maxamed Yuusuf Xasan.

Jaamac Aadan Cismaan waxaa loo doortay Kuxigeenka labaad, halka doorashada Kuxigeenka koowaad dib loo dhigay, laguna sababeeyey in aan cidina u tartamin.

Goobta doorashadu ka dhacaysey waxaa ku sugnaa madax-dhaqameedka degaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada SSC.

Golaha Dhexe ee SSC-Kaatumo ayaa hawsha ugu horreysa ee u taal ay tahay in ay diyaariyaan doorashada hoggaanka sare kaas oo noqon doona masuulka lagu aamini doono masiirka bulshada SSC oo haatan ay weli hayaan madaxda dhaqanku.

Ragga maanta loo doortay hoggaanka Golaha Dhexe (gole barlamaan) ayaa ah daljoog, halka xubnaha goluhu ay u badanyihiin rag qurbajoog ah.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: