Guddiga Fulinta XDS ee Dowlad Deegaanka (DDS) oo ansixiyey ku biirista Xisbiga EPP ee Abiy Axmed

Xubnaha Guddiga Fulinta xibiga XDS ee DDS ayaa shir ay ku yeesheen xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka waxa ay ku go’aamiyeen ku biirista xisbiga cusub EPP (Ethiopian Prosperity Party) oo uu hal-abuurkeeda leeyahay RW Abiy Axmed.

Xisbiga EPP ayaa la qorsheynayaa in uu matalo dhammaan qowmiyadaha Itoobiya.

Go’aanka maanta ee Guddiga Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ay ansixiyeen ayaa la soo hordhigi doonaa xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida (XDS) si ay u ansixiyaan go’aanka Golaha Fulinta.

Dhanka shacabka waxaa muuqata sansaan looga soo horjeedo qorshaha xisbiga EPP, walaaca ugu weyna uu yahay in aan shacabka laga talagalin doonin go’aanka ay qaateen hoggaanka Xisbiga Dimuquraadiga Soomaalida (XDS) ee hadda haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xisbigii EPRDF oo hore uga koobnaa xisbiyada ama ururada afar KILIL oo kaliya ayaa hadda u xuubsiibtay EPP. EPRDF ayaa ahaa xisbiga uu mar kasta ka soo bixijirey Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya.

Xisbiga cusub ee EPP ayaa hadda hiigsanaya in uu noqdo xisbi ay ku midoobaan qowmiyadaha Itoobiya oo dhan. Saas oo ay tahayna waxaa aad loo saluugsanyahay xeer hoosaadada xisbiga EPP oo qoraya in KILIL kasta oo Itoobiya uu madax ka noqon karo qof aan kililka ama gobolka u dhalan, oo qof ka soojeeda kililka Amxaarada, Tigreega ama Oromadu uu madax ka noqon karo kililka Soomaalida ama kilil kasta oo Itoobiya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com