Ganacsade dhalinyaro ah oo dushiisa Tukaan wareega ka furtay (dhegayso+Sawiro)

HomeWararka

Ganacsade dhalinyaro ah oo dushiisa Tukaan wareega ka furtay (dhegayso+Sawiro)

Jamac Maxamed Maxamuud oo ku magac Dheer ‘Jamac Qaraab’ waa nin dhallinyaro ah oo ka ganacsada dheefta laga helo dhirta, taasoo soo go’da xilliyada is

Warka Arooryo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha al-Shabaab ka soo gaaray dagaaladii u dambeeyey ee Mudug
Ilhan Cumar oo loo magacaabay xil muhiim ah

Jamac Maxamed Maxamuud oo ku magac Dheer ‘Jamac Qaraab’ waa nin dhallinyaro ah oo ka ganacsada dheefta laga helo dhirta, taasoo soo go’da xilliyada is galaha ah ee Jiilaalka iyo Barwaaqada ama haddii si kale loo dhaho marka dooggu idlaadka yahay, daruuraha Jiilaalna ay bilaabanayaan.

Dheeftaasi dhireed ee Jamac ka ganacsato waxaa ka mid ah miraha dhirta ka soo baxa oo noocyo badan ah iyo xabagta, siiba middeeda la cuno.

Ka sokow ka ganacsiga dheeftaasi dheereed, Jamac waxaa u sii dheer dukaankiisa ganacsi ee iibiyaha khayraadka dhirta ka soo go’a waxaa uu ka furanyahay dushiisa, isaga ayaana ah carwo wareegta, waxkasta oo geedaha ka soo baxana ay ku idilyihiin, carwadaasi oo uu u bixiyey Carwo Qarjab.

Haddaba Jamac Maxamed Maxamuud Radio Daljir ka wareystay dheefta dhirta ee uu iibiyo iyo waxyaabaha ku dhiirrageliyey

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: