Gaas oo Qaramada Midoobay ka aqbalay in uu la heshiiyo Soomaaliland iyo Daljir oo ogaatay sababta

Gaas oo  Qaramada Midoobay ka aqbalay in uu la heshiiyo Soomaaliland iyo Daljir oo ogaatay sababta

iyaadoo wali Puntland iyo Soomaaliland ay isku hor fadhiyaan mudu ka badan 10 bilood deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ,dhowr jeer  uu dagaal ku dhexmaray Tukaraq ciidamada Puntland iyo kuwa mamaulka Soomaaliland , ayaa waxaa dhinaca kale bar bar socotay wadahadalo lagu dhex dhaxaadinayo labada maamul oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay.

radio Daljir ayaa ilo xogogaal ah waxa ay u sheegen in Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas uu aqbalay xabad  joojin iyo in uusan wax dagaal ah  ka dhicin doonin  gobolka Sool, siiba deegaanka Tukaraq oo labada dhinac ay isku hor fadhiyaan.

Madaxweyne Gaas ayaa aqabalay soo jeedintii danjire Nicholas Haysom oo dhawaan  safaro ku kala bixiyay  magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ,waxaana uu madaxweyne  Gaas ergayga uu ucadeeyay in uusan marnaba dhici dooni wax dagaal ah oo dhanka Puntland ka yimaada .

C/wali Gaas ayaa horay uga diiday xabad joojintan ergaygii hore ee Qaramada Midoobay  uqaabil sanaa arimaha Soomaaliya  danjire Micheal Keating iyo xubno ka socday  Urur goboleedka  IGAD.

 

Soomaaliland ayaa horay dhankeed u aqabashay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Qaramada Midoobay ,balse xiligaas Madaxweyne Gaas ayaa xabad joojintaasi ay ku dhawaaqday  Soomaaliland  waxa uu ku xiray sharuud ah  in ciidamada Somaaliland  ay isga baxaan  Gobolka Sool .

Wali ma dhicin in madaxda maamulada Puntland iyo Soomaaliland in si fool ka fool ah ay isku soo hor fariistaa , base waxaa macquul ah in Madaxweyne Gaas iyo Muuse Biixi ay  telfoonka ku wada hadleen.

Xukuumada  uu hogaamiyo  madaxweyne  C/wali Gaas , ayaa haatan waxaa mudo xileedkeeda uga harsan wax ka yar boqo maalmood , waxaana soo food saaray madaxweynaha culaysyo siyaasadeed oo ay ka mid tahay khlaafka dhowladda dhexe, doorashada Puntland ku soo wajahan , iyo cabashada ciidamadii  ee mushahar la,aanta ay haysato  oo qaarkodba  isaga soo baxay jiida hore ee dagaalka.

 

kala soco Daljir  wixii ku soo kordha warkan .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com