Fadumo Dayib: “Shaqadaan looma oggola qof isirkiisa yahay Soomali” darteed baan shaqada UN uga tagay (dhegayso)

Fadumo Dayib: “Shaqadaan looma oggola qof isirkiisa yahay Soomali” darteed baan shaqada UN uga tagay (dhegayso)

Faadumo Qaasim Dayib oo hore isugu soo sharraxday xilka Madaxweynaha Soomaaliya sannadkii hore ee 2017 ayaa waraysi aan la yeelanay waxa ay kaga hadashay shaqaddii ay ka haysay QM ee ammuuraha haweenka Soomaaliya, ayna ka ahayd Agaasime Dal (Country Director), ahaana booska kaliya ee qof Soomaali ahi uu UN Soomaaliya ka hayey, ayey Fadumo nala qaybsatay sababaha ay shaqadaas isaga casishay.

Faadumo ayaa shaqo-ka-tagisteeda xafiiska UN ee Ammuuraha Haweenka Soomaaliya ku micnaysay ayada oo si ula kac ah oo aan gabbasho lahay loola beegsaday midabtakoor, cagajugleyn, isir-nacayb Soomaalinimadeeda, iyo iyada oo si toos ah loogu sheegay in qof isir ahaan Soomaali ah aan meeshan laga rabin.

Hadalladaas midab-takoorka iyo isir-naceybka xambaarsan ayey Fadumo Dayib waxa ay tiri, “waxaa si toos ah iila beegsaday Peter De Clerk.”

Peter De Clercq oo ah Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa booska loo magacaabay 18 Juun 2015.

Fadumo Dayib ayaa haddana si kooban taariikh nololeedkeeda iyo teedii ku barbaarka xeryaha qaxootiga noola qaybsatay. Waxaa waraystay wariyaheena Maxamed Lakiman, kuna sugan xarunta Daljir Garoowe.

Hoos kaga bogo.

Wareysiga oo youtubka kalasocon karto halkan kadaawo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
  • Abdinour tarsan 5 years ago

    Madaxwayne faadumo qaasim dayib
    Waan kusalamay waan kaxumahay in midab takoor ay kukula kaceen UN ka

  • Abdulkadier Hussein 5 years ago

    Waxaa nasiib daro ah in Marwo faadumo la takooro, waliba gudaha dalkeeda. Runtii Arintani aad bey ii taabatey balse waxaa Yar Waxaan ka qaban karo.Faadumo, waa qof waaya arag ah Waxaan Aaminsanahay in dalkani wax badan ay KU Soo kordhin doonto haddii aan siino fursad ay nagu maamusho. @Abdulkadier Hussein, Nairobi Kenya.

  • EdwinChoot 5 years ago

    Hi Good news ! a fineoffer
    To qualify click on the link below

    https://drive.google.com/file/d/1D6Nhz3MOu_oEnl4CPAQ-XCcKfVzJUXAX/preview

  • Abdulkadir Ahmed omar 5 years ago

    Waa run aduunka dadka soomaalida waxaa dadka calamka siiba reer galbeedka ka iminsin yihiin dad calamka ka dambeeyaan naceeb badan ayaa loo hayaa midaasna waa islaanimada ey heystaan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com