Dawladda Puntland iyo dadaalkeedii wax-ka-qabasho ee falkii kufsi iyo dil ee Galkacyo. Q 1-aad (dhegayso|daawo)

Todobaadkaan magaalada Galkacyo waxaa lagu dilay gabar yar 12 jir ah, taasoo xilli subaxnimo ah laga adfuubtay gurigooda meel u dhaw sida la aaminsanyahay, kadibna maalin habeen kadib iyadoo meyd ah la soo dhigay meel aan ka durugsanayn gurigooda.

Falkaasi waxaa ka dhashay kacdoon dadweyne iyo dareemo diidmo ah oo looga xunyahay gurracnaanta falka dhacay, aakhirkiina isku baddeshay bannaanbaxyo in ay ka dhacaan magaalada Galkacyo.

Haddaba Radio Daljir oo ka duulaya gurracnaanta arrinkaasi iyo gaboodfalidda lagula kacay gabadha yar ee sabiga ah, wuxuu idin diyaarshay warbixinno taxane ah oo taaban doono falka dhacay, dadaalka wax ka qabasho ee laga sameeyey illaa hadda, mid dawladeed iyo mid bulshaba, sababaha gundhigga u ah sii korarka kufsiga, sharciga ka dhigan iyo sida looga tacaamulay tallaabooyin kufsi oo horay u dhacay.

Warbixinnadaasi middooda koowaad aan ku eegnaa tallaabada dawladdu qaaday illaa hadda, waxa qabsoomay iyo qorshaha socdaba, waxaana inoo diyaarshay, soona jeedinaya Cabdifataax Cumar Geeddi.

Halkan kadaawo


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com