Dardaaran Xildhibaanada Dooran ee Puntland: Timaadadu waa maanta doorashada Guddoonkuna waa berri

Dardaaran Xildhibaanada Dooran ee Puntland: Timaadadu waa maanta doorashada Guddoonkuna waa berri

Xildhibayaal, mar kale TIMAADADU waa maanta, talada Puntland ayana waa mid gacantiina ku jirta. Berri waxa aad dooran doontaan Guddoonka Barlamaanka Puntland. Inta aydan dooran Puntland dib u fiirsha. Xasuusta codadka walaalihiinna shalay aad dhex joogteen. Xasuusta cabshooyinka. Xasuusta xukun xumida Puntland la soo daristay. Isweydiiya ayaa qayb ka ahaa, yaan se qayb ka ahayn?

Inta aydan intaas isweydiin xasuusta waxa aad tihiin 66 xildhibe oo masiirkii ummadda reer Puntland lagu aaminay. 49 xubnood oo idin ka mid ahi waxa ay nadiif ka yihiin laaluush iyo xatooyo xoolo dadweyne. Qalbigiinu waa nadiif. Farahiinu waa nadiif. Waxa aad u badantihiin dhallinyaro og oo aragtay liidnimada xukun xun sida uu ummadda oo dhan u liido. Waxa aad soo aragteen hoggaan liita oo xukuumadda ku milma, xisaabtan iyo awood-qaybsina ka maran. Ha liidina ummaddiina. Mar kale Puntland ha liidina.

Intaas markii aad qalbiga iyo maanka ku hubsataan, isweydiiya su’aalaha soo soda:

  1. Waa maxay macnaha dowladnimo, oo maxaan u rabnaa in aan gaarno dowladnimo taam ah, waa se maxay doorkaygu si aan hadafkaas uga dhabeeyo?
  2. Waa maay doorka Hoggaanka Golaha Wakiilada Puntland?
  3. Yaa musuq iyo laalush ka maran oo aan hoggaan u doorannaa?

Isweydiinta su’aalaha kore waxa ay idin ku abuuri doonaan isweydiinta su’aalo kale oo idin ku hagi doona qofka ugu mudan in uu noqdo hoggaanka Golaha Wakiilada Puntland. Su’aalaha aad isweydiin doontaan dhaxalna u noqon doona ummadda reer Puntland, idinna aad berri ka maalin ku faani doontaan baa ayana ah sida hoose:

  1. Hoggaanka aan dooranayaa musuq ma ka maranyahay oo ma ka maranyahay laaluush qaadasho?
  2. Hoggaanka aan maanta dooranayaa ma yahay mid u istaagay difaaca dalka, naf iyo maal, mise waa mid lunsaday hantidii dadka iyo dalka lagu difaaci lahaa?
  3. Ma yahay mid berri u istaagi doona difaaca dalka, haddii Madaxweynuhu ka labalabeeyana aan ka yeeli doonin, laalushna aan lagu aamusin doonin?
  4. Hoggaanka aan maanta dooranayaa ma yahay mid reeryo reereed ama reeryo GANACSATO aan mar hore dusha looga raran? Ma yahay mid aan cidna u rarneyn? Ma yahay mid aan loo soo raran in uu sii raro canshuurta hooyada qorraxda kulul yaanyada ku gadda?
  5. Ma yahay mid aan hore u haweysan xatooyo xoolo dadweyne?
  6. Ma yahay mid la xisaabtami kara xukuumadda cusub oo aan boorsada u qaadi doonin Madaxweynaha la doorto?
  7. Ma yahay mid inta maanta dooratid aad berri si kalsooni ku dheehantahay inta makrafoonka Daljir soo hor-istaagto aad dhihi karto waxaan doortay “hebel ina hebel” waana nin aan hubo kartidiisa, haddii uu berri qaldama aan qaban karo?
  8. Ma yahay nin been, ballanqaad been ah iyo leexleexasho aan lagu aqoon?
  9. Ma yahay nin maalka ummadda aad matasho aad berri ku aamini karto?
  10. Ma yahay mid ka dhabayn kara isbaddalka aad adigu ku timid?

Xildhibe, sidii shalay masiirka ummadda laguugu aaminay adna berri isla masiirkaas ma ku aamini kartaa Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ee aad dooranayso?

Xildhibe, intaas haddii aad berri ka dhabayso waxaa hubaal ah in ummadda reer Puntland ee shanta sano ee soo socota aad matasho aad u horseedday hormar iyo dowlad wanaag. Waxaa kale oo hubaal ah haddii aad intaas horseeddo in bulshadana Puntland ayana hormar iyo dowlad wanaag hiigsan doonaan.

Xildhibaan, waa lagu soo doortay, rag iyo gabdho wada mudan baa lagaa soo dhex doortay, ee fadlan adna maanta u hiilli ummadda ku dooratay. Ka duwanoow kuwii hore oo taariikhda Puntland baal dahab ah ka gal.

Diiwaanka Daljir Puntland

Radio Daljir SOOMAALIYA

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com