Danjire Ciid Baddal: “Ninka dhibka badda keenay wuxuu ahaa Xasan Shiikh … oo xudduuduhii dalka u saxiixay Kenya … ahna sababta aan isku cisilay” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Danjire Ciid Baddal: “Ninka dhibka badda keenay wuxuu ahaa Xasan Shiikh … oo xudduuduhii dalka u saxiixay Kenya … ahna sababta aan isku cisilay” (dhegayso)

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey QM Md. Ciid Baddal Maxamed ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku soo bandhigay xogo badan oo la xiri

Hargeysadii shalay & Hargeysada maanta: Dulmidiidihii shalay waa dulmidoonaha maanta
GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC
Xaggee Marayaa Dhismihii Dekadda Garacad ee gobolka Mudug.(dhegayso)

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey QM Md. Ciid Baddal Maxamed ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku soo bandhigay xogo badan oo la xiriira xiisadda dhanka badda ah ee ka dhex aloosan waddamada Kenya iyo Soomaaliya.

Danjire Ciid waxa uu sheegay in damaca Kenya ee ku aaddan arrinkan badda Soomaaliya uu si rasmi ah u soo shaacbaxay xilligii dawladdii AU Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geeddi, balse Kenya ay xilligaas madaxda Soomaalida kala kulantay wajigabax ayna la soo laabatay hungo iyo haruub maran.

Danjire Ciid ayaa shaaciyey in khaladka ugu weyn ee arrinkan badda Soomaaliya uu galay Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud oo arrintaas geeyey maxkamadda caddaaladda adduunka ICJ, taas oo micneheedu yahay in Soomaaliya ay Kenya u xalaalaysay gobolka NFD ee uu gumeystuhu siiyey Kenya, ayna taasi ahayd sababtii keentay in uu shiqsiyan iska casilo danjire-nimadii Soomaaliya ee UN-ta.

Taas ka sokow e Danjire Ciid ayaa sheegay in dhul-badeedka muranku ka taaganyahay ay dawladdii Kacaanku baaritaan shidaal oo ay samaysay laga helay ceelal waaweyn oo shidaalku ceegaago, waana halkaas meesha damaca Kenya uu salka ku hayo.

Danjiraha oo jooga magaalada Doha ee Qatar waxa uu u warramay Axmed Sh. Maxamed (Tallman) oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso.

Hoos kaga bogo.

Spectrum: grid stretches from south of Puntland to north of the maritime border with Kenya & during the promotion no exploration blocks were auctioned

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: