Ciidamada Badda Puntland oo Howlgalo qorshaysan ka sameeyay gobollada Bari & Sanaag

Ciidamada Badda  Puntland oo Howlgalo qorshaysan ka sameeyay gobollada Bari & Sanaag

Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag.

Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan, kuwaas oo mararka qaar ay weeraro ka dhici jireen.

War kasoo baxay Ciidamada badda Dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladaas ay ka dhan ahaayeen Al-Shabaab & Daacishta Soomaaliya eek u sugan dhulka Buuraleyda ah.

“ Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Ciidanka Badda Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ay howlgalkooda ku gaareen degaannada Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com