Bannaanbax balaadhan oo maanta ka dhacay caasimada DDS ee Jigjiga

Bannaanbax balaadhan oo maanta ka dhacay caasimada DDS ee Jigjiga

Shacabka Jigjiga oo kaashanaya ciidanka Liyuu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta bannaanbax balaadhan isugu soo baxay magaalada Jigjiga. Bannaanbaxa ayaa looga soo horjeedaa dagaalka ba’an ee ciidamada Canfarta oo kaashanya kuwa Amxaarada iyo Tigreegu ay ku hayaan shacabka Soomaalida, siiba kuwa gobolka Sitti.

Shalay ayey talafishinada Amxaarada iyo kuwa Tigreegu baahiyeen warar Soomaalida ka dhan ah, una xaglinaya Canfarta, ayaga oo DDS ka dhigaya “shisheeye Itoobiya ku soo duulay” oo kaashanaya Soomaaliya iyo Jabuuti (arag linkiga hoose).

Colaaddan cusub ee loo hayo Soomaalida Itoobiya ayaa salka ku haysa dagaalada u dhexeeya ciidamada Liyuu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) iyo ciidanka kililka CANFARTA. Dagaalka ayaa biloowday dhowr maalmood kahor kaddib markii ciidanka Kililka Canfartu ay ku soo duuleen magaalada Garbociise ee gobolka Sitti, kuna laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Dagaalka ay markii danbe ku sii fidey deegaamada Cadayti, Dhundhufo iyo Leensi halkaas oo Liyuu Booliska Soomaalida lagaga diley ciidamo boqol kor u dhaafay.

Magaalooyinka dagaalku ka socdo ayaa kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida, laakiin maamulka Canfarta ayaa sheeganaya in ay magaalooyinku yihiin kuwo kamid ah deegaanka Canfarta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir DDS
Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com