Asma Shiikh Axmed: “Dulmiga Dahsoon” iyo sidii rag caddaan ahi ay dalka gudihiisa iiga afduubteen si xubnaha jirka la iigala baxo (dhegayso)

Asma Shiikh Axmed: “Dulmiga Dahsoon” iyo sidii rag caddaan ahi ay dalka gudihiisa iiga afduubteen si xubnaha jirka la iigala baxo (dhegayso)

Soomaaliya sannadahaan waxaa ku soo batay afduubka loo gaysto da’yarta, ayna afduubanayaan ajnabi ayadoo da’yarta lagala baxayo xubnaha jirkooda, sida kalyaha, wadnaha iyo xubno kale oo muhiim u ah nolosha qofka, amaba qofkiiba la qaadanayo, oo la waayayo, lagana dhigayo sidii qof tahriibay oo kale. Xataa inta waalidka la waco loo sheegayo in “hebel/heblaayo tahriib kudhintay.”

Badanaa dadkaan cidi kama badbaado, qofkii ka badbaadana haddiiba la helo waxa uu soo laabtaa asaga oo aan miyir qabin, xasuus fiicanna aan u lahayn wixii dhacay, sida loo qaatay iyo meesha la geeyey.

Dhallinta (gabdho iyo wiilalba) la afduubo oo ka badbaada ayaa ka siman in meelaha la geeyo ay ka duwanyihiin guryaha, xafiisyada iyo cisbitaalada ay Soomaaliya ku arkaan, ayna yihiin kuwo casri ah, kuna dhexyaal meel nadiif ah, iftiin badan oo dhalaalaysa.

Asma Shiikh Axmed Cabdalla waa gabar da’yar ah oo ka badbaaday afduub. Asma ayada oo jidka maraysa ayaa la sumeeyey, gaari lagu dhextuuray, la afduubay, sida ay sheegtayna la geeyey “meesha dadka lagu qasho.”

Asma waxa ay dhacdadaas ka qortay buugga “Dulmiga Dahsoon.”

Hoos kaga bogo wareysiga Asma, waxaana waraystay Mahad Ilkacase, Daljir Caabudwaaq.

Buugga “DULMIGA DAHSOON” kala xiriir:

  

HALKAN KADAAWO WARAYSIGA OO DHAMAYSTIRAN

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com