
Jigjiga, December 30, 2013 – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inuu meel wanaagsan marayo xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya iyaga iyo Soomaaliya.
Safiirka itoobiya u fadhiya Soomaaliya Wondimu Asaminew ayaa sheegay inay wanaajinayaan xiriirka u dhexeeya labada wadan.
Wuxuu sheegay Asaminew in xiriirka labbada shacab iyo labada baarlaman uu hagaajin karo xiriirka xooga badan ee la filayo inuu dhexmaro Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa hore u sheegay in xiriirka labada wadan uu yahay mid hagaagsan, balse loo baahan yahay in labada wadan ay wax badan ka wada hadlaan.
Diiwaanka wararka
Radio daljir
COMMENTS