HomeUncategorized

DHEGEYSO-Puntland oo dhaqdhaqaaqyo ka bilowday gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Ceeri-gaabo, July 17 2016-Dowladda Puntland ayaa waxa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo wacyigelin kawadaa qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib markii maamulka Soomaaliland uu ciidamo soodhoobay degmada Ceeri-gaabo.

DHEGEYSO-Barlamaanka Puntland oo wargelin siiyey musharixiinta aqalka sare.
DHEGEYSO-Goobaha loo dalxiistago oo kusoo badanaya magaalooyinka gobolka Nugaal.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.

Ceeri-gaabo, July 17 2016-Dowladda Puntland ayaa waxa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo wacyigelin kawadaa qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib markii maamulka Soomaaliland uu ciidamo soodhoobay degmada Ceeri-gaabo. 

Agaasimaha warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrii oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Col. Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan ayaa safarro shaqo oo isugu jira wacyigelin la xiriirta sidii shacabka gobolka Sanaag uga qayb qaadan lahaayeen sugidda nabadgelyada gobolka ku tegey deegaanada Hadaaftimo, Ceelbuh, Carmale, Shimbiraale iyo Damalla Xagarre oo ah deegaano aan ka fogeyn  Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. 

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxa uu Idaacadda Daljir uga warbixiyey ujeedka safarkiisam, waxaana waraysatay weriye Faadumo Cabdullaahi Saleebaan (F.Ladan).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: