HomeUncategorized

Qaramada midoobey oo dhaqaale ugu deeqday wadanka Soomaaliya.

(July 09 2016)-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Hawl-gallo lagu dajinayo xurguf ka soo unkuntay tuulada Xero-jaale oo hoos tagta degmada Gal-dogob ee Mudug oo soconaysa.
Madaxweyne Gaas oo Maanta Booqday Jaamacadda Global Science University ee Gaalkacyo
Munaasabad ku aaddan gabagabada wareegga koowaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo xalay lagu qabtay xarunta Daljir ee Bossaso.

(July 09 2016)-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah  loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobe waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa la sheegay in qeybta Hore lagu maalgelin doono gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka Kale oo aysan shaacin magaciisa.

Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada u baahantahay in laga taageero dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: