Qaramada midoobey oo dhaqaale ugu deeqday wadanka Soomaaliya.

(July 09 2016)-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah  loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobe waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa la sheegay in qeybta Hore lagu maalgelin doono gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka Kale oo aysan shaacin magaciisa.

Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada u baahantahay in laga taageero dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com