HomeUncategorized

Roobka Gu’ga oo ka curtay Awdal

Barbara, 05 - April - 2016 - Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ayaa sheegaya in roobka Gu’ga uu ka billowday deegaanno ka tirsan gobolkaas.Roobka ayaa ku soo beegmay xilli abaar daran oo saamaysay dadka iyo xooluhuba ay ka jirto gobollo badan oo uu kamid yahay gobolka Awdal.

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland oo badgariir uga digtay dadwaynaha xeebaha degan
Kooxo hubaysan oo isbaarooyin iyo falal amni daro ka bilaabay miyiga Bender-bayla (Dhegeyso)
Golaha Qurbajoogta Puntland oo war saxaafadeed ka soo saaray eedihii Donald Payne.

Barbara, 05 – April – 2016 – Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ayaa sheegaya in roobka Gu’ga uu ka billowday deegaanno ka tirsan gobolkaas.Roobka ayaa ku soo beegmay xilli abaar daran oo saamaysay dadka iyo xooluhuba ay ka jirto gobollo badan oo uu kamid yahay gobolka Awdal.

Roobka intiisa badan ayaa ka da’ay magaalada Boorama, deegaannada xeebta ku teedsan, Dilla, Kalabayr iyo deegaanno kale.

Inkastoo uusan xoog badnayn roobka ka da’ay Awdal, haddana wuxuu farxad iyo yididiilo galiyay dadka ku nool gobolka oo ku qabowsaday.

Gobolka Awdal ayaa ugu daran gobollada Soomaaliyaoo ay abaartu saameynta ku yeelatay, waxaana ka socda dadaallo lagu samata bixinayo dadka dhibaataysan.

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir,

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: