HomeUncategorized

(DHAGEYSO) Amniga Garoowe oo laga wada hadlay.

March 24 2016(GAROWE)- Dawladdu waxa ay adkeynaysaa Amniga guud Tan iyo wixii ka dambeeyey 14-kii bishan markii weerar lagu qaaday Maleeshiyaad soo duulay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay bulshada kunool Jigjiga.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Tartan iyo Tacliin oo xiiso gaar ah yeeshay.
Degmada Baardheere oo saaka laga qaxayo, ka dib duqeyn shalay ka dhacday.

Shir looga hadlayey Adkeynta amniga gobalka Nugaal, gaar ahaana caasumada dawladda Puntland ee Garoowe ayaa lagu qabtay magaalo madaxda, iyadoo ay ka qeybgaleen Taliska ciidamada Booliska Puntland & Kan gobalka Nugaal.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Maxamed Afguduud ayaa sheegay in looga baahan yahay dadweynuhu in ay qeyb ka noqdaan sidii wax looga qaban lahaa Amniga.

Jeneraalka ayaa codsadey in dadweynaha looga baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada Amniga, si looga hortago falalka amaan daro ee ay abaabuli karaan kooxaha lagu jabiyey dagaaladii u dambeeyey ee kadhacay Mudug & Nugaal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: