HomeUncategorized

Al-shabaab oo Dad Shacab ah ka Afduubatay Suuj

Sabti,Marso,19-2016_(Daljir)-Qaar kamid ah xoogaga ku dhuumaalaysanaya Togga Suuj ee gobolka Nugaal, ayaa lagu soo waramayaa, in 3-qoys oo ku noolaa deegaankaasi ay af-duubteen habeenimadii xalay ahayd, sida uu Radio Daljir u xaqiijiyay Cabdiqaadir Cabdi oo dadka deegaanka kamida.

?Wasiiru-dawlaha Maamul-wanaaga Puntland oo aan ka waraysanay safar hawleedka M/weyne Faroole ee Kenya.
Ciidamada badda ee dowladda Puntland oo mashruuc waxbarsho ka hirgaliyay deegaanka Bendersiyaada ee duleedka Boosaso
Labo qof oo lagu dilay Bossaso iyo mid kale oo lagu dhaawacay; bilayska oo ku raad-jooga raggii falkaasi gaystay.
Sabti,Marso,19-2016_(Daljir)-Qaar kamid ah xoogaga ku dhuumaalaysanaya Togga Suuj ee gobolka Nugaal, ayaa lagu soo waramayaa, in 3-qoys oo ku noolaa deegaankaasi ay af-duubteen habeenimadii xalay ahayd, sida uu Radio Daljir u xaqiijiyay Cabdiqaadir Cabdi oo dadka deegaanka kamida.
 
Tirada dadka la afduubtay ayaa lagu sheegay ku dhawaad 12-ruux, balse waxaa si qarsoodi ah uga fikaday 1-qof, kaasi oo isla xilligaasi ku wargaliyay ciidamada dowladda Puntland ee toga ku sugnaa.
 
Ujeeda loo afduubay waxaa uu ku sheegay in xoolo ka qashaan, isla markaana ay ogaadeen ciidamada dowlada, sidaasi darteedna ay xabadda iska xijinayaan dadkasi.
 
Ma cadda in la siidaayay qoysaskaasi la afduubay, hase ahaatee shaqsiga soo fakaday ayaa cadeeyay in weli la haysto 3-qoys.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: