Al-shabaab oo Dad Shacab ah ka Afduubatay Suuj

Sabti,Marso,19-2016_(Daljir)-Qaar kamid ah xoogaga ku dhuumaalaysanaya Togga Suuj ee gobolka Nugaal, ayaa lagu soo waramayaa, in 3-qoys oo ku noolaa deegaankaasi ay af-duubteen habeenimadii xalay ahayd, sida uu Radio Daljir u xaqiijiyay Cabdiqaadir Cabdi oo dadka deegaanka kamida.
 
Tirada dadka la afduubtay ayaa lagu sheegay ku dhawaad 12-ruux, balse waxaa si qarsoodi ah uga fikaday 1-qof, kaasi oo isla xilligaasi ku wargaliyay ciidamada dowladda Puntland ee toga ku sugnaa.
 
Ujeeda loo afduubay waxaa uu ku sheegay in xoolo ka qashaan, isla markaana ay ogaadeen ciidamada dowlada, sidaasi darteedna ay xabadda iska xijinayaan dadkasi.
 
Ma cadda in la siidaayay qoysaskaasi la afduubay, hase ahaatee shaqsiga soo fakaday ayaa cadeeyay in weli la haysto 3-qoys.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com