HomeUncategorized

Dhagayso Qur’aanjecel: Dib u eegista lagu sameeyay Dastuurka waa hagal-daacinta Nidaamka Federaalka

Garowe, Febru, 21, 2016 - Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Qur'aanjecel oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljri ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Mowqifka Puntland ee ku aadan War-saxaafadeedkii Puntland ku qaadacday Isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Soomaali lagu tuhunsan yahay argagixisnimo oo lagu qabtay Uganda.
Faroole oo Aragtidiisa ku Biiriyay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi.

Garowe, Febru, 21, 2016 – Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Qur’aanjecel oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljri ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Mowqifka Puntland ee ku aadan War-saxaafadeedkii Puntland ku qaadacday Isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Md. Quraan’jecel ayaa sheegay in DF ay muddo badan ku mashquulsanayd sidii ay hagal-daacin lahayd Nidaamka Federaalka, waxaana uu hadalkiisa raacsaday in isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ay tahay qorshe aan waafaqsanayn sharciga, dano gaar ah-na laga leeyahay.

“Qodobado aad u badan ayaa la badalay, waana kuwo xaasaasi ah, illaa 10 Cutub oo ka tirsan Dastuurka ayaa meeshaba laga saaray, qaar-na la badalay, tani waa tillaabo guud ahaanba looga soo horjeedo Nidaamka Federaalka” Sidaasina waxaa yiri Afhayeen Quraanjecel.

Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay Wariye Jaamac Cabdiraxmaan Axmed

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: