Dhagayso Qur’aanjecel: Dib u eegista lagu sameeyay Dastuurka waa hagal-daacinta Nidaamka Federaalka

Garowe, Febru, 21, 2016 – Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Qur’aanjecel oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljri ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Mowqifka Puntland ee ku aadan War-saxaafadeedkii Puntland ku qaadacday Isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Md. Quraan’jecel ayaa sheegay in DF ay muddo badan ku mashquulsanayd sidii ay hagal-daacin lahayd Nidaamka Federaalka, waxaana uu hadalkiisa raacsaday in isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ay tahay qorshe aan waafaqsanayn sharciga, dano gaar ah-na laga leeyahay.

“Qodobado aad u badan ayaa la badalay, waana kuwo xaasaasi ah, illaa 10 Cutub oo ka tirsan Dastuurka ayaa meeshaba laga saaray, qaar-na la badalay, tani waa tillaabo guud ahaanba looga soo horjeedo Nidaamka Federaalka” Sidaasina waxaa yiri Afhayeen Quraanjecel.

Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay Wariye Jaamac Cabdiraxmaan Axmed

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com