HomeUncategorized

Axmed Madobe oo Garowe wada-tashi u Imaanaya

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

M/weyne Shariif oo shir jaraa?id ku qabtay Villa Somaliya, kana hadlay kulanka uu la yeelan doono Hillary Clinton. [Akhris …]
Golaha Deegaanka Degmada Garowe oo kulankoodi ugu horeeyay yeeshay
Dr. Garweyne ?Kiis cusub oo dabaysha ah ayaa lagu arkay Boosaaso Talaalkuna waa scoda?(Dhegeyso)

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Axmed Maxamed Islaam oo ay safarkiisa Puntland ku weheliyeen xubno katirsan golayaashiisa dowladda ayaa waxaa soodhoweyntooda ka qayb qaadan doona madaxda dowladda Puntland iyo bulshada kunool magaalamadaxda Puntland ee Garoowe.

Lama shaacin ilaa hada socdaalka madaxweynaha Jubbaland waxa uu salka kuhayo, waxaase wararka qaar sheegayaan in uu madaxda dowladda Puntland kala tashan doono arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada 2016-ka iyo difaaca Puntland iyo Jubbaland.

Socdaalkan uu Puntland ku imaan doono madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu shalay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ka dhoofay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’rke.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: