HomeUncategorized

Odowaa oo Maanta Booqday xarunta Barlamaanka Dowladda Puntland

Somalia, November 17, 2015 (Daljir) — Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo booqday aqalka gollaha wakiiladda Puntland oo lagu soo gaba-gabaynayo madasha wadatashiga heer qaran ee 2016, iyadoona dadka ka qayb galaya shirka ay heer gabo gabo ah marinayaan doodahooda ku aadan waddada loo marayo doorashada soo socota noocey noqon karto.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Xarunta Buuhoodle 08 07 2016.
Dowladda Puntland oo taageertay Go’aankii Jubbaland ay xiriirka ugu jartay Dowladda Soomaliya
Dambi-baare Cabdisalaan Cali Saylaan oo ka tirsanaa bilayska Puntland oo xalay lagu dilay Galkacyo.

Somalia, November 17, 2015 (Daljir) — Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo booqday aqalka gollaha wakiiladda Puntland oo lagu soo gaba-gabaynayo madasha wadatashiga heer qaran ee 2016, iyadoona dadka ka qayb galaya shirka ay heer gabo gabo ah marinayaan doodahooda ku aadan waddada loo marayo doorashada soo socota noocey noqon karto.

Wasiir Cabdiraxmaan Odayaa waxaa hoolka kusoo dhaweeyay wasiiradda shaqada iyo shaqalaha iyo wasiirka Deegaanka kuwaasoo u xilsaaran shirarka wadatashiga doorashada 2016 ee Puntland.

Odawaa ayaa ka qayb galayaasha shirkan u sheegay sababta ay Garowe u yimaadeen tahay sidii ay u ogaan lahaayeen aragtida shacabka ee la xariirta habka doorashada loo wajahayo iyo helitaanka dowrka shacabka.

Waxa uu sheegay Odawaa inay marayaan hadda meel wanaagsan oo xaalada dalku soo hagaagayso, balse ay muhiim tahay in si qoto dheer looga wada tashada doorashada 2016.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: