HomeUncategorized

Degmada Burtinle oo laga Bilaabay Canshuur-Qaadista Gaadiidka

November 08, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo saraakiisha ammaanka ee Gobalka oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo lagu banaynayo dhulka la xirmaystay ka waday degmada Burtinle ayaa waxay bilaabeen in la dar dargaliyo canshuurta saddex bilood laha taasoo gaadiidlaydu soo dhaweeyeen.

Xisbul-Islaam oo amaro ku soo rogay Beledweyn oo ay ka arrimiyaan.
Caawa iyo Daljir -Khamiis,Feb 14-2013, Khadar Cawl Ismaaciil ( Daljir Buuhoodle )
Baahin: Sabti, Jan 28, C/risaaq M. Silfar ~ Daljir ~ Galkacyo. Gacan-ku-dhiiglayaasha dilay Xil. Bile Maxamuud Yusuf oo la qabtay; Madaxda Puntland oo tacsi u diray ehelada marxuumka; Agaasimaha idaacada Shabeelle oo lagu dilay Muqdisho; Puntland oo dhalleecaysay weerarada joogtada ah ee Somaliland ku haysto gobolka Cayn.

November 08, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo saraakiisha ammaanka ee Gobalka oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo lagu banaynayo dhulka la xirmaystay ka waday degmada Burtinle ayaa waxay bilaabeen in la dar dargaliyo canshuurta saddex bilood laha taasoo gaadiidlaydu soo dhaweeyeen.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay qaadista cansuurta inay qayb ka tahay jiritaanka dowladnimo, ayna ka go’an tahay in lasoo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobalka, waxa kale uu sheegay gobalka inay ka wadaan baneynta jidadka la xirtay ee xaafadaha iyo dooxooyinka xooluhu qaadaan oo dad si gaar ah u isku siiyeen.

Howlgalka ka socda Burtinle ayuu Faraweyne tilmaamay inuu soconayo mudo bil ah, marka uu soo dhammaadana ay ku xijin doonaan degmooyinka Godobjiiraan, Eyl iyo Dongorayo, qorshahan ayuu ku sheegay inuu yahay isku tashagii uu madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas ku dhawaaqay.

Shacabka degmada Burtinle ayaa soo dhaweeyay howlgalka mamulka Gobalku ka bilaabay degmada, kaasoo si weyn looga dareemayo magalada.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: