HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Safaaradda Talyaaniga ee Nairobi Arimo badan kala Hadlay

Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli .

Baahin: Khamiis, Jun 09, Weriye Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. R/wasaare Farmaajo oo is-casilaadiisa la dhawrayo, lana hadlay dad ka gadooday is-casilaadiisa; wasiirka warfaafinta ee dawlada federaalka ah ayaan ka waraysanay; Saraakiil ka tirsan ciidanka dawlada federaalka ah oo sheegay in ay cinqilaab kula wareegi doonaan hoggaanka dalka; Xil. Dhalxa oo ka dayriyey is-casilaada R/wasaare Farmaajo, sheegayna in ay horseedi doonto dhibaato hor leh; Fannaanada Saado Cali oo ku tilmaantay is-casilaada R/wasaare Farmaajo mustaqbal madow oo u soo hoyday Somalida.
Gaalkacyo: Masaajidka Salaaxu-diin oo la weeraray iyo mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada.
(Dhagayso) Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xariga ka jaray Waddooyin Laami ah oo Gaalkacyo laga sameeyay

Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli .

Kullanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicyada horumarineed ee Talyaanigu ka fulinayo gudaha Puntland iyo mashaariic horleh oo Dawladda Talyaanigu ku rajo weyn tahay inay ka hirgeliso Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa safiirka sharaxaad dheer ka siiyey halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo heer gebo gebo ah maraya .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale Dawladda Talyaaniga ka codsday in qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland siiso tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, si ay ulaba jibaaran howsha amaan ee ay kawadaan Puntland.

Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli ayaa isna dhankiisa sheegay in mar walba ay Dawladda Talyaaniga ka go’antahay sii wadida mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan Puntland .

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: