Dowladda Maraykanka oo Dhaqaale ugu Deeqday Ciidamada Puntland

Khamiis, Octobar 10, 2015 (Daljir) —Waaxda dowladda Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Maandooriyaha iyo dar-dargalinta sharciga ayaa heshiis is afgarad ah oo lagu taageerayo ciidamada booliska Puntland la gaartay dowladda Soomaliya iyo Puntland.

Waxaa heshiiskan ku baxaya lacag gaaraysa 1-Milyan oo dollarka maraykanka ah ,waxaana dowladda Puntland ay u adeegsan doontaa tababaridda ciidamadeeda booliska iyo ka hortagista  falalka argagaxiso.

Taageeradan ka timid dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay qayb- ka tahay mucaawinada Dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya ,iyadoo Maraykanka uu balan qaaday in uu laba jibaari doono taageeradiisa Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com