HomeUncategorized

Shirka wad-tashiga Muqdisho oo lagu wado in la soo Af-meero

Axad, September 20, 2015 (Daljir) —Shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Golaha deegaanka Galkacyo oo xilka ka qaaday ku xigeenka Duqa magaalada Galkacyo Md. C/llahi Ibrahim Macruuf.
USA oo joojisay xiriirkii ku salaysnaa taageerada Meleteriga ee ay siin jireen dowladda Masar
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland oo la kulmay Qaar kamid ah Xoolo Dhaqatada Gobolka Sanaag

Axad, September 20, 2015 (Daljir) —Shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkaan ka qeybgalaya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Gudoomiye Jawaari, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyhanaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, qaar ka mid ah Wasiirada dowladda Federaalka, IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Shirkaan ayaa looga tashanayaa hanaanka doorashada 2016-ka ay noqoneyso iyo sidoo kale ka hadalka khilaafyada jira. Gabagabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan wax la isku fahmo iyadoo la rajeynayo in lagu dhowaqo golaha doorashooyinka qaranka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: