HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Muqdisho u tagaya Shir

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_ Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxaya magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug si ay uga qaybgalaan shir kadhacaya magaalada Muqdisho.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Toll-Man
Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada darajada 1-aad ee Bossaso oo ka xog warramay 7 burcad badeed ah oo la xukumay; mid dil ah; 2 min 17 sanno ah; 3 min 12 sanno; mid 10 sanno ah.
Al-Shabaab oo tababaranaysa dhalinta Soomaliyeed ee dhigata jaamacadaha dalka Pakistan

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_ Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxaya magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug si ay uga qaybgalaan shir kadhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa safarkaan ku weheliya xubno katirsan golayaasha xukuumadda iyo barlamaanka ee dowladda Puntland, kuwaasi oo dowladda Puntland u matali doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qaybgelayaan madaxda dowladda federalka ah iyo maamulada kajira Soomaaliya.

Shirkaan looga hadlayo aayaha wadanka Soomaaliya ayaa yimid kadib kulan mudo kooban socdey oo dhowaan kadhacay magaalada Kismaayo kaasi oo ay dowladda Puntland ka qaybgalkiisa ka baaqatay maadaama madaxweynaha iyo waftigiisu ay Kismaayo u tageen ka qaybgalka caleemasaarkii madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: