Ciidamo kawadda tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

HomeWararka

Ciidamo kawadda tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Waxa ay Faah faahin ka soo baxeysa iska hor imaad barqanimadii maanta Muqdisho ku dhexmaray Ciidan ilaalo u ah Gudoomiyaha Yaaqshiid & Ciidan ka tirsa

Warka Fiidnimo iyo Ficil Burkud, Daljir Badhan (dhegayso)
Jamaal Osmaan oo Markii labaad ku guulaystay hanadashada Kursiga 6-aad ee MN
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray Magaaladda Marka

Waxa ay Faah faahin ka soo baxeysa iska hor imaad barqanimadii maanta Muqdisho ku dhexmaray Ciidan ilaalo u ah Gudoomiyaha Yaaqshiid & Ciidan ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Iska Hor imaadkaan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid , karaan iyo shibis halkaas oo ay uxirneyd ciidamada booliska .

Inta la ogyahay waxaa kugeeriyooday iska hor imaadkaasi hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Abkoow kaas oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed oo dhawaan degmadaasi loo magacaabay.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu yimid sida dad goob joogayaal ah ay daljir u sheegeen kadib markii uu doonayay in uu ka gudbo gudoomiyaha degmada Yaaqshiid isgoyska sanca dhanka wada soo aada nasiib buundo oo u xirneyd ciidamada booliska , taasina ay kabiyo diiden ciidamadi booliska ee halkaasi joogay, waxaana muran soo kala dhex galay labadii ciidan halkaasina waxa ka bilowday israsaaseynta labada ciidan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: