HomeUncategorized

Dowladda Puntland oo Hormarinaysa Ciyaaraha gobolka Sanaag

Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) — Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa shalay ka bilowday wajigii labaad ee barnaamijka horumarinta iyo wacyigelinta dhalinyarada Puntland oo ay wadaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ciyaartoy hore iyo qaar kamid ah muwaadiniinta Puntland.

Maalinta xuquuqda Aadanaha ee aduunka oo laga xusey deeganada Puntland.
Baahin: Isniin, Jul 18, Weriye Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Khaliif Ciise Mudan oo loo magacaabay wasiirka amniga ee Puntland; Gen. Yusuf A. Khayr oo loo magacaabay wasiiru-dawle sharci; Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo aqbalay xisaab-xirkii 2010 & miisaaniiyada dawlada ee 2011; Dakhaatiir anaajib ah oo hawlo caafimaad ka fulin doona gobollada Puntland; Dr. Warsame, wasiirka caafimaadka ayaan ka waraysnay; Axmed Karaash oo sheegay in gobollada Sool, Sanaag & Cayn aanay xilligan cidina ka talin, ayna ka jirto xaalad bini-aadanimo oo aad u qallafsan.
Howlgalo ciidamo lagu qaqabtay oo laga sameeyey magaalada Garoowe.

Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) — Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa shalay ka bilowday wajigii labaad ee barnaamijka horumarinta iyo wacyigelinta dhalinyarada Puntland oo ay wadaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ciyaartoy hore iyo qaar kamid ah muwaadiniinta Puntland.

Xubnahaan ayaa waxaa hogaaminaya gudoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Puntland Maxamed Burci iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey waxaana weheliya Macalin john iyo Bashiir Gurey oo dalka England kayimid.

Waftigaan ballaaran ayaa waxaa magaalada Badhan kusoo dhoweeyey gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyiin, Maamulka degmada Badhan, qaybaha bulshada magaalada Badhan iyo dhalinyarada qaybeheeda kala duwan.

By: Abdirashid 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: