Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaqay Guddiga Aaska Qaran ee Wasiir Xoosh

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaqay Guddiga Aaska Qaran ee Wasiir Xoosh

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaa

Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeynaysa qorshe sannadka 2023 looga qaadayo cunaqabataynta hubka
France oo ciidamo dheeri ah u diraysa wadamada Sahel
Garoowe: Mid kamid ah waxgaradka gobalka Nugaal oo ka hadlay dagaalka kasocda shabeelaha Dhexe

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay Guddi isagoo markale tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxarisitee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiirada Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.

Hase yeeshee lama sheegin xilliga la keenayo meydka Allaha u naxarisitee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil dalka lana aasayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: