Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaqay Guddiga Aaska Qaran ee Wasiir Xoosh

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaqay Guddiga Aaska Qaran ee Wasiir Xoosh

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaa

Farmaajo oo Fariin u diray Ciidamadda Booliska
Wasiirka amniga Galmudug oo la kulmay dhalinyaro dagaal la galay Alshabaab
Danjire Cawad oo shacabka Puntland ugu baaqay innay….

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay Guddi isagoo markale tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxarisitee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiirada Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.

Hase yeeshee lama sheegin xilliga la keenayo meydka Allaha u naxarisitee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil dalka lana aasayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: