Wasiirka gashaandhiga DFS oo saraakil tababar u furay (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka gashaandhiga DFS oo saraakil tababar u furay (Sawiro)

Tababarkan aqoon kororsiga ah ayaa ku saabsan xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana loo furay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga iyo Agaasi

Soomaaliya oo mar kalle hogaaminaysa musuqa caalamka (Dhegayso)
Madaxweyne Gaas,”Waan Wada Farmaajaysanahay ee Aan Midnimo Ka Shaqayno” (Daawo)
QM oo walaac ka muujisay Sharciga Galmada ee la horgeeyay Golaha Shacabka

Tababarkan aqoon kororsiga ah ayaa ku saabsan xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana loo furay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Maalmaha uu socdo tababarka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya waxa ay baran doonaan xeerkan iyo habka ugu wanaagsan ee loo dhaqan gelin karo, si xeerkan uu u noqdo mid shaqeeya.

“Waxaan maanta Daah-furay Siminaar ku saabsan Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Waxaana ka qeyb-galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga ayaa dadaal ugu jirta sidii loo soo saari lahaa ciidan tayeysan oo fahamsan waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: