Wasiirka gashaandhiga DFS oo saraakil tababar u furay (Sawiro)

Wasiirka gashaandhiga DFS oo saraakil tababar u furay (Sawiro)

Tababarkan aqoon kororsiga ah ayaa ku saabsan xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana loo furay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Maalmaha uu socdo tababarka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya waxa ay baran doonaan xeerkan iyo habka ugu wanaagsan ee loo dhaqan gelin karo, si xeerkan uu u noqdo mid shaqeeya.

“Waxaan maanta Daah-furay Siminaar ku saabsan Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Waxaana ka qeyb-galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga ayaa dadaal ugu jirta sidii loo soo saari lahaa ciidan tayeysan oo fahamsan waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com