Qarax gaari oo muqdisho ka dhacay

HomeWararka

Qarax gaari oo muqdisho ka dhacay

Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska ee ka howlgala degmooyinka Muqdisho ayaa saaka lagu qarxiyay Xaafada Sey Biyaano, kaddib markii lagu xiray waxya

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo kasoo horjeestay go’aankii xilka looga qaaday
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)

Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska ee ka howlgala degmooyinka Muqdisho ayaa saaka lagu qarxiyay Xaafada Sey Biyaano, kaddib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhejiska ayaa lagu xiray gaari yar oo ah nuuca loo yaqaano Kaarib oo ay leeyihin Ciidamada booliska, kaasoo ay ku buufsantahay Astaanta Ciidanka, iyadoo qaraxa uu ku geeriyooday Wadihii gaariga oo ahaa Askari ka tirsan Ciidamada degmada Hodan.

Gaariga qaraxay ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa Sarkaal ka tirasan ciidanka Booliska, iyadoo la sheegay inuu ka badbaaday qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dambi baarista ay su’aalo weydiinayaan Sarkaalka lahaa gaariga la qarxiyay iyo sida ay ku suurta gashay in waxyaabaha qarxa lagu xiro gaari booliska leeyihiin.

Taliyayaasha Ciidamada booliska oo shir la isugu yeeray dhowr bilood ka hor Saraakiisha Ciidamada ayaa u sheegay inuu xabsi muteysan doono Sarkaalkii gaarigiisa la qarxiyo, iyadoo loo heysanayo dambiga ah inuu dayacay gaarigiisa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: