Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay wadanka Turkiga

HomeWararka

Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay wadanka Turkiga

Shaqaalaha gurmadka ee Turkiga ayaa magaalada Istambuul ilaa iyo xalay ka wada baadi goobka dad uu kusoo dumay dhisme sideed dabaq ah oo burburay. Ku

Maxay ka qabatay dowladda fatahaadii wabiga Shabeelle (Akhriso )
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka| (Taxanaha 110aad
Mareykanka oo Taliban ku wareejiyay Maxbuus Reer Afghanistan ah oo 15-sano Bilaa Xukun ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay

Shaqaalaha gurmadka ee Turkiga ayaa magaalada Istambuul ilaa iyo xalay ka wada baadi goobka dad uu kusoo dumay dhisme sideed dabaq ah oo burburay.

Ku dhowaad laba qof ayaa geeriyooday, todobo kallena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la qabaa baqdin ah inay jiraan dad ku hoos jira dhismaha burburay hoostiisa degmada Kartal.

Dhismahan ayaa waxaa deganaa 43 qof, waxaana uu ka koobnaa 14 deegaan, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istambuul Ali Yerlikaya.

Wali macadda sababaha dhaliyay masiibadan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkan sadex dabaq oo sharci darro ah ayaa lagu kordhiyay dhismahan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: