HomeUncategorized

Wasiirada arimaha Diinta Soomaaliya iyo Turkiga oo wada Kulmay

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ah ee Soomaaliya mudane Cabduqaadir Sheekh Ibraahim (Baqdaadi) iyo wafti uu hogaaminayo oo howlo shaqo ku jooga Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Dalkaasi Dr. Mehmet Gormez. iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira labada wasaaradooda.

DHEGEYSO-Xiriirka kubadda cagta Puntland oo kahadlay diyaarinta xulka.
Kooxo hubaysan oo maanta weriye Tima-cade ku dhaawacay degmada wadajir ee Muqdisho
Xuska Sanad guuradii 2aad ee doorashadda Madaxweynaha Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ah ee Soomaaliya mudane Cabduqaadir Sheekh Ibraahim (Baqdaadi) iyo wafti uu hogaaminayo oo  howlo shaqo ku jooga Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Dalkaasi Dr. Mehmet Gormez. iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira labada wasaaradooda.

Kulamadaa ayaa  waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah Soomaaliya, waxaana  wafdiga la socda wasiirka ka mid ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta Sheekh Maxamed kheyrow, iyo agaasimaha waaxda diinta ee wasaaraadda Shiikh Cali Sheekh Maxamud.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic horumarineed oo aad u badan ka fulisay magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya, waxaana hogaamiyaha dalkaasi noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee booqasho rasmi ah ku yimaada magaalada Muqdisho.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: