Taliska Booliska oo Saraakil u xiray Falal amni darro

HomeWararka

Taliska Booliska oo Saraakil u xiray Falal amni darro

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in illaa 30 Saraakiil ay u xiran yihiin fal dambiyeedyo kala duwan, kuwaasoo ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar

Xoghayaha Dowlada hoose Dagmada Burtinle oo maanta olalahii nadaafada ka fuliyey xaafada israac
Maanka Dadweynaha iyo Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre “Dowladda Mareykanku ma aysan joojin taageerada dhanka amniga ee la garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in illaa 30 Saraakiil ay u xiran yihiin fal dambiyeedyo kala duwan, kuwaasoo ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in saraakiil, saraakiil kuxigeeno iyo dabley oo gaaraya 32 ay u xiran yihiin fal dambiyeedyo kala duwan

Waxaa uu sheegay inay socdaan baaritaano, isla markaana dhowaan ay wajihi doonaan in la soo taago Maxkamad sida uu yiri.

“Saraakiisha xiran waxaa ku jira Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u soo gudbiyeen Taliska Booliska haddii ay arkaan Askari ka tallaabay sharciga sida uu yiri.

Saraakiisha iyo askarta kale ee xiran ayaa la sheegayo in loo heysto falal la xiriira musuq maasuq iyo tacadiyo kala duwan oo ay shacabka u geysteen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: