Taliska Booliska oo Saraakil u xiray Falal amni darro

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in illaa 30 Saraakiil ay u xiran yihiin fal dambiyeedyo kala duwan, kuwaasoo ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in saraakiil, saraakiil kuxigeeno iyo dabley oo gaaraya 32 ay u xiran yihiin fal dambiyeedyo kala duwan

Waxaa uu sheegay inay socdaan baaritaano, isla markaana dhowaan ay wajihi doonaan in la soo taago Maxkamad sida uu yiri.

“Saraakiisha xiran waxaa ku jira Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u soo gudbiyeen Taliska Booliska haddii ay arkaan Askari ka tallaabay sharciga sida uu yiri.

Saraakiisha iyo askarta kale ee xiran ayaa la sheegayo in loo heysto falal la xiriira musuq maasuq iyo tacadiyo kala duwan oo ay shacabka u geysteen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com