Ciidamada Mareykanka oo lagu weeraray Suuriya

HomeWararka

Ciidamada Mareykanka oo lagu weeraray Suuriya

Ciidamo katirsan Mareykanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo kadhacay waqooyiga dalka Suuriya, kaasi oo ay masuuliyaddiisa ay sheegatay kooxda

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Wasiirka Amniga DFS oo sheegay in Raggi Weraarka qaaday Qaar kamid ah la qabtay
Warbixinta Kalfadhiga 39aad ee Baarlamaanka Puntland (dhegayso)

Ciidamo katirsan Mareykanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo kadhacay waqooyiga dalka Suuriya, kaasi oo ay masuuliyaddiisa ay sheegatay kooxda isku magacowday khilaafada Islaamka.

War kasoo baxay Kooxda ayaa lagu sheegay inay jaakadaha nooca  qarxa ay ku weerareen ciidamo katirsan Mareykanka oo ku wareegayay magaalada Kurtiga ay haystaan ee Manbiij, gaar ahaana goob laga cunteeyo.

Laba ka mid ah ciidamada Mareykanka iyo shaqaalle rayid ah oo ka howlgala wasaaradda gaashaandigga Mareykanka uyo qandaraasle ayaa lagu dilay weerarka, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidmada Mareykanka, isagoona kudaray sadex askari in weerarka ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Mareykanka ayaa u jooga magaalada Manbij si’ay u taageeraan kooxda Kurdiyiinta iyo xoogga carabta ee dagaalka kula jira Daacish.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: