HomeUncategorized

Danjire Nile Weagan oo Kismaayo Gaaray ,lana kulmay madaxda Jubbaland

Talaado, Abriil 21, 2015 (Daljir) — Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya Nile Weagan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa gudaha garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka maamulka.

Daawo: soo dhoweyntii Ra’isal Wasaare Saacid ee magaalada Caabudwaaq.
Dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda colaadeed ee nawaaxiga Rako oo bilawday; Wufuud isugu dhafan Issimo & madax dawladeed ee gaaray isla deegaanka.
Baahin: Salaasa, Nov 08, Weriye Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Ku xigeenka Gudd. gobolka Mudug oo ka badbaaday qarax miino oo wadada lagu aasay; Bossaso oo iyana qarax ka dhacay; Daruuro colaadeed oo dul hoganaya Kismaayo, iyo cabsi la soo daristay shacabka magaalada; Ceerigaabo oo deggan maanta iyo dedaalo nabadeed oo ka socda gobolka Sanaag.

Talaado, Abriil 21, 2015 (Daljir) — Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya Nile Weagan ayaa markii ay soo gaareen magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa gudaha garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka maamulka.


Intaasi kadib ayaa wafdigii uu hogaaminayay danjiraha dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Nile Wiigan waxa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd ay hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kula qaateen madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayay masuuliyiintani saxaafadda la hadleen, iyadoo ugu horeyn uu goobta ka hadlay madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in safarka uu danjiruhu ku yimid Kismaayo uu ahaa mid uu ugu hambalyeeynayay dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Danjiraha dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nile Wiigan oo isna goobta saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu qaaday tallaabo horumar leh, isagoo xusay in ay soo dhaweeynayaan dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland.

Masuulkan ayaa sheegay in dowladda ingiriisku ay marwalba saaxiib dhow la ahayd maamulka jubbaland, isagoo xusay in ay soo dhaweeynayaan baarlamanka dhawaan agu dhawaaqay, waxa uuna intaa ku daray in dowladda Ingiriisku ay gobollada Jubooyinka ka fulin doonto barnaamijyo horumarineed.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo masuulkan uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, booqashadan ayaa qeyb ka ah safarro uu danjiruhu ku kala bixinayay maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: