Danjire Nile Weagan oo Kismaayo Gaaray ,lana kulmay madaxda Jubbaland

Talaado, Abriil 21, 2015 (Daljir) — Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya Nile Weagan ayaa markii ay soo gaareen magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa gudaha garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka maamulka.


Intaasi kadib ayaa wafdigii uu hogaaminayay danjiraha dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Nile Wiigan waxa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd ay hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kula qaateen madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayay masuuliyiintani saxaafadda la hadleen, iyadoo ugu horeyn uu goobta ka hadlay madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in safarka uu danjiruhu ku yimid Kismaayo uu ahaa mid uu ugu hambalyeeynayay dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Danjiraha dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nile Wiigan oo isna goobta saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu qaaday tallaabo horumar leh, isagoo xusay in ay soo dhaweeynayaan dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland.

Masuulkan ayaa sheegay in dowladda ingiriisku ay marwalba saaxiib dhow la ahayd maamulka jubbaland, isagoo xusay in ay soo dhaweeynayaan baarlamanka dhawaan agu dhawaaqay, waxa uuna intaa ku daray in dowladda Ingiriisku ay gobollada Jubooyinka ka fulin doonto barnaamijyo horumarineed.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo masuulkan uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, booqashadan ayaa qeyb ka ah safarro uu danjiruhu ku kala bixinayay maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com