HomeUncategorized

Somaali looga Shakisan-yahay Al-shabab oo Tanzania lagu xir-xiray

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ciiddanka Ammanaka ee dalka Tanzania ayaa sheegay inay qabteen 10 qof oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab.

Caawa iyo Daljir_Axad Nov -11-2012, Cabdifataax Cumar Geeddi_Nairobi Kenya
DIGREETO-Taliyihii qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ciiddanka Ammanaka ee dalka Tanzania ayaa sheegay inay qabteen 10 qof oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab.

Taliyaha Boliska dalkaasi, Paul Chagonja ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS  inay Eedeysanayaashaasi ku qabteen Degmadda Kilombeero ee Gobalka Morogoro oo qiyaastii 200-KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Darasalaam.

Dhinaca kale,  Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii ay Xarakadda Alshabaab bilowgii bishan weerarka ka geysteen Jaamacadda Garissa ee dalka Kenya, laguna dilay 148-qof.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: