HomeUncategorized

Dowladda Puntland oo la kulantay Mulkiilayaashsa Hoteelada Bosaaso

Arbaco, Abriil 15, 2015 (Daljir) — Wasiir kuxigeenka maaliyadda ee dowladda Puntland Axmed Yaasiin ayaa magaalada Boosaaso kulamo kula qaatay qaar kamid ah madaxda Hotel-ada magaalada Boosaaso oo ay ka wada hadleen arrimo quseey bixinta canshuuraha ku waajibey ee qaybta ka ah horumarinta Puntland.

Midowga Africa oo maanta doortay gudoomiye cusub waa kuma?.
Caawa iyo Daljir, Axad Feb 10-2013, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘ (Hargeysa)
Baahin: Salaasa, Nov 15, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Galkacyo. Dagaal khasaare lixaad leh gaystay oo Muqdisho ku dhex maray Al-shabaab & AMISOM; Guddiga shirka Khaatumo II ee ka furmi doona Taleex oo la iclaamiyey; Puntland oo xirtay wariye u shaqeeya TV-ga Somali Channel; madaxda TV-ga oo xariga sharci darro ku tilmaamay.

Arbaco, Abriil 15, 2015 (Daljir) — Wasiir kuxigeenka maaliyadda ee dowladda Puntland Axmed Yaasiin ayaa magaalada Boosaaso kulamo kula qaatay qaar kamid ah madaxda Hotel-ada magaalada Boosaaso oo ay ka wada hadleen arrimo quseey bixinta canshuuraha ku waajibey ee qaybta ka ah horumarinta Puntland.

Kulankaan dhexmaray wasiir kuxigeenka iyo mulkiilayaasha Hotel-ada magaalada Boosaaso oo socdey mudo saacado ah ayaa waxaa lagu lafa guray sidii milkiilayaashu ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bixinta canshuuraha berriga Puntland ee ku waajibey goobohooda ganacsiga.

Axmed Yaasiin Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo ganacsatada gaar ahaan mulkiilayaasha Hotel-ada ayaa isku raacay in la bixiyo canshuuraha si dowladdu ugu qabato adeegyada aasaasiga ah ee lagu horumarinayo guud ahaan Puntland.

 

By: Jaamac Abduraham

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: