Dowladda Puntland oo la kulantay Mulkiilayaashsa Hoteelada Bosaaso

Arbaco, Abriil 15, 2015 (Daljir) — Wasiir kuxigeenka maaliyadda ee dowladda Puntland Axmed Yaasiin ayaa magaalada Boosaaso kulamo kula qaatay qaar kamid ah madaxda Hotel-ada magaalada Boosaaso oo ay ka wada hadleen arrimo quseey bixinta canshuuraha ku waajibey ee qaybta ka ah horumarinta Puntland.

Kulankaan dhexmaray wasiir kuxigeenka iyo mulkiilayaasha Hotel-ada magaalada Boosaaso oo socdey mudo saacado ah ayaa waxaa lagu lafa guray sidii milkiilayaashu ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bixinta canshuuraha berriga Puntland ee ku waajibey goobohooda ganacsiga.

Axmed Yaasiin Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo ganacsatada gaar ahaan mulkiilayaasha Hotel-ada ayaa isku raacay in la bixiyo canshuuraha si dowladdu ugu qabato adeegyada aasaasiga ah ee lagu horumarinayo guud ahaan Puntland.

 

By: Jaamac Abduraham

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com