HomeUncategorized

Meleteriga huwanta ah ee jooga gobolka Hiiraan oo maanta weerar ku ah degmada Buulo-burte

Buulo-burte, November 24, 2013 - Meleteriga huwanta ah ee isugu jira Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta u dhaqaaqay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiraan, halkaas oo ka mid ah saldhiyada ugu waa wayn.

Maalinta miinada adduunka oo laga xusay Garoowe.
Kulan lagu taageerayo Jubaland oo kadhacay Bosaso
Kulan lagu soo Bandhigayay Guulaha Haweenka Puntland oo Garowe lagu Qabtay

Buulo-burte, November 24, 2013 – Meleteriga huwanta ah ee isugu jira Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta u dhaqaaqay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiraan, halkaas oo ka mid ah saldhiyada ugu waa wayn ee Al-shabaab ku leeyihiin gobolka.

Ciidamo kuwa lugta ah oo aad u fara badan ayaa xalay gelinkii dambe u dhaqaaqay Jihooyinka barriga iyo galbeedka degmada Buulo-burte, sidoo kale saaka ayaa la sheegay in ay amba bexeen gaadiidka dagaalka oo iyaguna u dhaqaaqay dhanka degmada.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro gobolka oo idil.

Ciidamada huwanta ah ee ku dhaqaaqay dhanka degmada Buulo-burte ayaa la doonayaa in ay isla maanta halkaas gaaraan, oo ay howl-galka dagaalka bilaabaan, Al-shabaab oo degmada gacanta ku haysa weli kama aysan hadlin weerarka ku soo fool leh.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: