
Buulo-burte, November 24, 2013 – Meleteriga huwanta ah ee isugu jira Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta u dhaqaaqay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiraan, halkaas oo ka mid ah saldhiyada ugu waa wayn ee Al-shabaab ku leeyihiin gobolka.
Ciidamo kuwa lugta ah oo aad u fara badan ayaa xalay gelinkii dambe u dhaqaaqay Jihooyinka barriga iyo galbeedka degmada Buulo-burte, sidoo kale saaka ayaa la sheegay in ay amba bexeen gaadiidka dagaalka oo iyaguna u dhaqaaqay dhanka degmada.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro gobolka oo idil.
Ciidamada huwanta ah ee ku dhaqaaqay dhanka degmada Buulo-burte ayaa la doonayaa in ay isla maanta halkaas gaaraan, oo ay howl-galka dagaalka bilaabaan, Al-shabaab oo degmada gacanta ku haysa weli kama aysan hadlin weerarka ku soo fool leh.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN