HomeUncategorized

Dugsiga sare ee Dangoroyo oo ku guulaystay kaalinta sadexaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin

Bosaaso, Aug 06 - Waxaa xalay lasoo gabagabeeyey barnaamijkii Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayeen 24- dugsi sare oo ku yaalla gobolada Puntland, barnaamijka ayaa soo socday tan iyo markii uu bilowday bishan barakaysan ee Ramadaan.

Shir looga hadlayo ammaanka iyo abaaraha oo lagu qabtay degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar.
Rasaas xooggan oo maalintii 2-aad la isku waydaarsano madaarka Gaalkacyo, iyo xaafada Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo.
Dawladda Puntland oo si kulul uga hadalashay weerarkii lagu laayey 5 nin oo Bakistaaniyiin Tabliiq ah ahaa, oo saakay lagu laayey Galkacyo. [Akhris …]

Bosaaso, Aug 06 – Waxaa xalay lasoo gabagabeeyey barnaamijkii Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayeen 24- dugsi sare oo ku yaalla gobolada Puntland, barnaamijka ayaa soo socday tan iyo markii uu bilowday bishan barakaysan ee Ramadaan.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa waxaa haatan haray fiinaalaha barnaamijka oo lagu tartami doono koobka iyo lacagta ugu badan ee abaalmarinta loo bixiyo , waxaana ku tartami doono marka laga baxo ciiddul Fidriga dugsiyada Cumar Samatar ee Gaalkacyo iyo Shaafici Bosaaso.

Tartankii xalay ayaa loo tartamayay kaalinta sadexaad ee barnaamijka oo ay ku hardameen dugsiyada Dangoroyo Secondry iyo Al-Nuur Baran, waana labada dugsi oo ku kala yaaliin? Nugaal iyo Sanaag.

Dugsiga sare ee Dangoroyo oo sanadkan markii ugu horaysay barnaamijka kasoo qaybgalay ayaa muujiyay wacdaro wayn , waxaana uu afar iyo sideed uga badiyay dugsiga Al-Nuur Baran oo sanadkii hore ku guulaystay koobka barnaamijka Tartan iyo Tacliin, sanadkana ku taamayay inuu koobka mar kale qaado.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo uusoo abaabulay, baahiyana? Raadiyowga Daljir ayaa laga dhagaystaa dhamaan xarumihiisa Soomaaliya, dhinaca maalgalinta ayaa waxaa iska kaashanaya wasaaradda waxbarshada Puntland, shirkada Golis Telcom, Bankiga Salaam iyo daladda waxbarshada ahliga ee PEN oo dhinaca su’aalaha tartanka soo diyaarisa.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: