Dugsiga sare ee Dangoroyo oo ku guulaystay kaalinta sadexaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin

Bosaaso, Aug 06 – Waxaa xalay lasoo gabagabeeyey barnaamijkii Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamayeen 24- dugsi sare oo ku yaalla gobolada Puntland, barnaamijka ayaa soo socday tan iyo markii uu bilowday bishan barakaysan ee Ramadaan.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa waxaa haatan haray fiinaalaha barnaamijka oo lagu tartami doono koobka iyo lacagta ugu badan ee abaalmarinta loo bixiyo , waxaana ku tartami doono marka laga baxo ciiddul Fidriga dugsiyada Cumar Samatar ee Gaalkacyo iyo Shaafici Bosaaso.

Tartankii xalay ayaa loo tartamayay kaalinta sadexaad ee barnaamijka oo ay ku hardameen dugsiyada Dangoroyo Secondry iyo Al-Nuur Baran, waana labada dugsi oo ku kala yaaliin? Nugaal iyo Sanaag.

Dugsiga sare ee Dangoroyo oo sanadkan markii ugu horaysay barnaamijka kasoo qaybgalay ayaa muujiyay wacdaro wayn , waxaana uu afar iyo sideed uga badiyay dugsiga Al-Nuur Baran oo sanadkii hore ku guulaystay koobka barnaamijka Tartan iyo Tacliin, sanadkana ku taamayay inuu koobka mar kale qaado.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo uusoo abaabulay, baahiyana? Raadiyowga Daljir ayaa laga dhagaystaa dhamaan xarumihiisa Soomaaliya, dhinaca maalgalinta ayaa waxaa iska kaashanaya wasaaradda waxbarshada Puntland, shirkada Golis Telcom, Bankiga Salaam iyo daladda waxbarshada ahliga ee PEN oo dhinaca su’aalaha tartanka soo diyaarisa.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com