HomeUncategorized

Ardayda Jaamacadaha Boosaaso oo taageeray nidaamka Xisbiyada Puntland (Dhegayso)

Boosaaso 9 July-2013 -Kulan ay maanta isugu yimaadeen dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayey si weyn ugu taageereen hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.

Maxay ku heshiiyeen milatariga Suunaa iyo shacabka ?
Caawa iyo Daljir_Khamiis_Nov 8-2012_Khadar Cawl Ismaaciil ( Daljir Buuhoodle)
Turkiga oo Canbaareeyay weerarkii Al-shabab ee wasaaradda waxbarashada
Boosaaso 9 July-2013 -Kulan ay maanta isugu yimaadeen dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta ?gobolka Bari ayey si weyn ugu taageereen hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.
?
Ardayda ayaa dadweynaha reer Puntland ugu baaqay inay si weyn u taageeraan nidaamkan oo ay sheegeen inuu yahay wadada horumarka.
?
Dhalinyarada kulanka isugu yimid ayaa ka dooday sidii uu ku Hirgeli lahaa nidaamkan Dimuqraadiyada ee Puntland ku talaabsatay.
?
Waxay sidoo kale soo jeediyeen in bulshada faham iyo sharax dheeraad ah laga siiyo faa’iidooyinka uu bulshada u leeyahay barnaamijka Dimuqraadiyadu si looga gudbo hanaankii qabiilka.
?
Xasan Cilmi Guure oo kamid ah dhalinyaradii ka qeybgashay kulanka ayaan ka wareysanay waxyaabaha ay kulankooda uga hadleen, isagoo sheegay in kulankaasi si weyn loogu taageeray nidaamka Xisbiyadda Puntland.
?
Deegaanada Puntland waxaa mudooyinkii danbe ka socdey geedi socodka dimuqraadiyadda Puntland oo lagu wado in lagu dabakho doorashooyinka dhacaya sanadkan anu kujiro & sanadka soo socda bilowgiisa.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: